Thursday, October 6, 2011

Sawirka Manta iyo Maalin naxdin leh


Waxa ayaan daro ah in qof ehlu diin sheeganaya ku faano inu u taagan yahay in wax yeeleeyo umad islaam ah, isaga oo aan kala soocayn waxaan halkan maanta ugu baroor-diiqaya dadka bir-magaydada ah ee ku wax yeeloobay weerarkii bahal nimahda ee ay ku dhinteen waalidin iyo araday aan waxba galabsan.

hadaba waxan halkan ku soo gudbinaya Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay in weerarkii lala bartilmaameesaday xaruntii wakaaladdii hore hargaha iyo saamaha uu fuliyay mid ka mid ah dagaalyahannadooda oo lagu magacaabo Bishaar C/llaahi Nuur, isagoo xusay inuu digniin u ahaa gaalada doonaysa inay boobaan khayraadka shacabka Soomaaliyeed ayna goos-goostaan dhulkooda.

Sheekh Cali Dheere wuxuu gaashaanka ku dhuftay in goobta ay weerareen ay ku sugnaayeen arday, isagoo sheegay in goobtaas ay muddo dheer ilaalo ka hayeen oo ay la socdeen dhaqdhaqaaqeeda, ayna joogeen dhalinyaro la doonayay in dalalka Afrika midkood lagu soo baro habka sirdoonka, wasiiro iyo shaqaalaha dowladda qaarkood.
"Weerarkan wuxuu digniin u yahay gaalada magacyada kala duwan sheegata ee dalka kusoo qulqulaya oo raba inay kala boobaan ummaddan khayraadkeeda, dhulkeedana ay goos-goostaan. Runtii inta ay mujaahidiintu nool yihiin ciddii dalkan qabsata ku ladi mayso, hurdo fiicanna ma seexanayso. Waxaana halkan laga qaadayaa iyagoo dhintay ama dhaawac ah," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenku wuxuu sheegay Xarakada Al-shabaab ay muddo dheer baaris ku haysay goobta, maantana lasoo gabagabeeyay iyadoo lala beegsaday gaari xamuul oo ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, wuxuuna xusay in weerarka uu ahaa mid hafadkii la lahaa laga gaaray.
"Meesha aan qaraxa la beegsannayno ma ahan mid si kaddis ah loo weerarro, balse muddo dheer ayaa laga shaqeeyaa, meesha iyo saacadda uu galayo qofka fulinaya weerarka waxaa u dhexeeya sirdoon sheega sida ay wax yihiin iyo cidda ku sugan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in goobta la weeraray aysan ku sugnayn arday, balse ay ahayd goob ay dagganaayeen sirdoonkooda dowladda KMG ah iyo kooxo ku xiran hay'adaha dalka yimid, muddo dheerna ay ilaalo ka hayeen.
"Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa wasiirro, shaqaalaha dowladda iyo dhallinyaro loo waday in dalalka afrika qaarkood lagu soo baro sirdoonka," ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in weerarka uu ahaa mid dhabarka looga jabiyay cadow.
"Mar dambe la isma weydiin doono Xarakada Al-shabaab ma baxday mise way joogtaa, waxaana cad inay joogto KM4 iyo goob kasta oo kale. Waxaana rabaa inaan halkan ka beeniyo in qofka fuliyay weerarka uu ahaa Kenyan," ayuu si cad u yiri afhayeenka Al-shabaab.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in weerarrada noocan oo kale ay joogto noqon doonaan maalmaha soo socdana la arki doono weerarro midkan la mid ah, isagoo sheegay inay beegsan doonaan goob walba oo ay ku sugan yihiin dowladda KMG iyo AMISOM, wuxuuna shacabkna ugu baaqay inay ka fogaadana goobaha ay daggan yihiin cadowga oo uu ula jeeday DKMG ah iyo AMISOM.
""Weerarada noocan oo kale ah way sii socon doonaan, maalmaha soo socda ayaa la arki doonaan kuwo la mid ah, shacabkuna waa inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin cadowga si aysan dhibaato uga soo gaarin weerarrada lala beegsanayo," ayuu yiri Sheekh Cali Dheer.


Siyaasada Cusub ee Dawlada Silaanyo ee koonfurta Somalia

Runti waxa jira waxayaabo badan oo aan ka soo horjeedo, dawlada hada talada haysa mudda gaadhaysa sandka ah, hadan waxa  jira waxayaabo aan fikir ahan soo dhawayn karo sida in siyaasad degen oo quyar socodnimo ku jirto lagu la dhaqmo koonfurta somalia oo ah dadka ay wax ina dhex mareen, aniga oo aan hadalka sii badinayn marar madan ayaan fikir ahan ka hadlay waxanan jecelystay in aan mar labaad hadan aan idin soo badn dhigo sida aynu ula macaamili karno South somalia una heli layn waxaynu labadnka sanadood raadinaynay oo ah ictiraaf iyo aynu noqono dawlad dhigeeda la hana qaada oo noqota mid ka dhex  muuqta bulshada caalmaka, waa kan mar labad maqaal 19/11/2010 aan ka diyaariyay mawduucan:-





  CAQLIGII FAYOOBI WAA GARANAYA IN AQOONSIGA  S/LAND  KU JIRO KOONFUR SOMALIA
 
Ciid mubaarik dhaman umada islamka, gaar ahan bulshada s/land  salaan ka dib.
  waxaynu  Muddo ku dhaw labatan sano ayu  raacdaynayna  aqoonsi ay ka helno bulshada caalamka muddada dheer waxay shacabka reer somaliland hirgaliyeen dimuqraadiyad ka hana qaaday somaliland waxay  galeen doorashooyin dimquraadi ah oo ay hogaaminayan sadexda xisbi KULMIYE, UDUB, iyo UCID, waxa wadanka laga hirgeliyay doorashoohinka dawladha hoose, madaxtooyada oo marki ugu horaysay ku guulaysto xisbiga udub markii labdan si dimuqraadi ah ugu guulaystay xisbiga kulmiye iyo doorashadi ugu wayned oo ahayd tii barlamanka lagu soo doortay hase ahate waxay shacabka reer somaliland  hiyiga ku hayeen dedaalka iyo dimuqradiyada ay gaadhen caalamku inu ku tixgalin doono oo  mar uun dhagahoodu  maqli doonan somaliland oo la aqoon saday,  nasiib daro se ilaa hada ma hayno, oo faro madhan ayaynu ka taaganahay dadaal dheer oo waxkhti iyo dhaqaale ba qaatay oo madaxdi kala duwayn ee Somaliland soo martay ku bixisay muddo rubuc qarini ku dhaw, hadaba waxa haboon in aynu is waydiino sualahan dhawrka ah:-

1.     Maxaa hortaagan aqoonsiga somaliland ?

Waxaynu dhamanteen ognahay in maamuladii kala danbeeyay ee soo maray somaliland ay waji-gabax kala kulmeen isku dayo kala duwan oo ay ku raadinayen ictiraaf aynu ka hello bulshada caalamka laakin se tasi ma hayno tan iyo markii aynu ku dhawaaqnay somaliland 1991 oo iminka ka soo wareegtay  muddo labatan sano ku dhaw, waxay  dawladaha  reer galbeedku kuwa  dimuqraadiyada iyo maamul wanaga jeceli ay si cad iyo si dadbanba inoogu sheegen in aanay ina ictaraafi Karin oo aanay somalia kala goyn Karin, waxay mar walba ino tilmaaman in aynu ictiraafeena ka raajicino African Union , nasiib daro se (AU) marnaba inagamay soo qaadin hase-yeeshe waxay ino sheegan in  koonfur Somalia wada hadal yeelano oo ku soo hisheeno in aynu kala go'ano balse  aanay jirin cid kale oo ina kala kaxayn  karta ama ina ictiraafi karta.

Madax-waynahii hore ee geeriyooday (Raximahu allah) marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaa oo ahaa siyaasi ruug caddaaya caalamkana laga yaqaaney ayaa marar badan oo uu dibedda ugu baxay ictiraaf raadin markii uu soo noqodo ummadda u sheegi jiray in adduunyadu ay dabada u soo jeedisey, balse marxuumku wuu ogaa meesha  laynaka haysto, mar kasta oo la kulmo dawladaha reer galbeedka sida boqotoyada ingiriiska oo somaliland mustacmarad u ahay muddo qarni ku dhaw ay u sheegi jireen in u aha siyaasiyintii hormuudka ka hayd midawgii somaliland iyo Somalia sida awgeed ay koonfur Somalia  kala xaajon  karan ictiraafka somaliland. Halka waxa inooga cad in wadamada reer galbeedku wax ay inoo hayn jirin.

Dhanka kale haddii anu eego wadamada Africa waxay ka qabaan in layna ictiraafo  waxaa cad in dhaman wadamada Africa ay ka soo hor jeedan ictiraaf ayanu helo sababo la xidhiidha aminigooda iyago ka cabsi qaba in ay bilaabmanto dhaqdhaqaayo gooni isu-taag oo wadamadooda ka bilaama.

Bal aynu soo qaadano wadamada saaxiib ahan inoogu dhaw oo Ethiopia ugu horayso waxaynu ognahay in dawlada Ethiopia inaga dhaxayso dano badan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo amin, Ethiopia waxay isticmaasha dekeda berbera waxa sido kale ah marinka kaliya ee aynu u marno caalamka, Ethiopia waxay ino fududaysa la macaamilka  bulshada caalamka haddii ay noqon lahayd safarada kala duwan ee ay masuuliynta somaliland ugu baxan dibada iyo ka qayb galka shirarka Africa, hadaba Ethiopia oo 20 sandood ay inga dhaxayso xidhiidh saaxibtinimo.


 Suashu waxay tahay  maxay Ethiopia u aqoonsan la'adahay somaliland?

Waxay dawlada Meles Sanawi si cad oo gabasho lahayn ay madaxda somaliland iyo warbahinta ugu sheegen in haddii ay somaliland ictiraafan ay ka lumayso danahooda siyaasadeed  Somalia ka leeyahiin taso macnaheedu yahay danta ay ka leeyahiin  Somalia ay ka wayntahay ta ay somaliland ugu jirta, sida darted wax dan ah oo Ethiopia ugu jirta ictiraafka somaliland aanay jirin.
Arimahas iyo qaar badan oo kale ayaa ino cadaynaya in wax ictiraaf  la yidha in so muuqan oo ay haboontahay in la badelo siyaasadi hore ee ictiraaf  raadiinta. 
Waxaan soo dhawaynaya dawalda cusub ee u hogaaminayo madax-wayne siilaanyo sida furfuran ee ay u doonayan in wada hadal dhex maro somaliland iyo koonfur Somalia  waan rajada kaliya ee ay leedhay somaliland in ay aqoonsi iyo wax u dhaw hesho.
 
2.     Ma hayna jidkii saxdaha ah eee radinta aqoonsiga s/land?

waxaan qaba in aynan hayn jidkii saxda aha, in  ictiraaf  laga raadiyo dawlado  aan dan inga lahay waa wakhti lumis.

  hadaba maxaa xal ah? xalku waxa uu noqonayaa mar haddii maanta aanay jirin dano siyaasadeed oo laynaga  leeyahay waxa ina la gudboon in la tashado taladaasoo ah mid qaran, xalkuna waxu ku jira  inago  kala xaajoona aqoonisa s/land dadkii aynu la nidowney 1960-kii waxa  ku jira dad ogol somaliland oo leh siyaasiyin aqoonyahano iyo madax-dhaqameed, waxa wacan dadkas in aynu kusoo dhawyno in ay somaliland yimaadan oo qadiyada somaliland meel mariyan ta bedelkeedan ay reer  somalilad  gacan ka gaystan sidii ay walaalhen reer muqdisho ay maamulku iyo nabda u  gaadhi lahayn  taso inaga dan ino ah sababto ah muqdisho inta ay gubanayso ictiraaf aynu hella waa wax aan suurta galayn  waxana qofkasta oo caqli iyo gaarad alle siiyay u cadaynaysa  20ka sanadood ee aynu ictiraafka raadinayanay in mar walba la ina laha koonfur Somalia kala soo hadla ictiraafkiin.!!!!

  qalinkayguna wuxu qabaa in aqoonsigu halkaa ku jiro waayo adduunka sharci caalamiya ayaa yaalla oo la ixtiraamayaa, aqoonsigana meel aanu ku jirin ayaynu ka raadinaynaa.

Wa bilaahi tawfiiq

Saturday, October 1, 2011

Canadian boy speaking Af-Somali

Afsomaaliga waan ka badiya
Wiil dhalinyaro canadian ah oo talo u soo jeedinaya dhalinyarta wadamada Northern america iyo europe ku dhalatay ama dhawaan yimidka ah ee ka faana afkooda hooyo iyo dhaqanka hufan ee ay leeyahiin !! Daawasho wacan


Orodyahan Mohamed Faarah


Orodyahan MO Faarah oo S/land Booqosho ku jooga maxuu yidhi waraasi

Daawasho wacan