Thursday, October 6, 2011

Sawirka Manta iyo Maalin naxdin leh


Waxa ayaan daro ah in qof ehlu diin sheeganaya ku faano inu u taagan yahay in wax yeeleeyo umad islaam ah, isaga oo aan kala soocayn waxaan halkan maanta ugu baroor-diiqaya dadka bir-magaydada ah ee ku wax yeeloobay weerarkii bahal nimahda ee ay ku dhinteen waalidin iyo araday aan waxba galabsan.

hadaba waxan halkan ku soo gudbinaya Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay in weerarkii lala bartilmaameesaday xaruntii wakaaladdii hore hargaha iyo saamaha uu fuliyay mid ka mid ah dagaalyahannadooda oo lagu magacaabo Bishaar C/llaahi Nuur, isagoo xusay inuu digniin u ahaa gaalada doonaysa inay boobaan khayraadka shacabka Soomaaliyeed ayna goos-goostaan dhulkooda.

Sheekh Cali Dheere wuxuu gaashaanka ku dhuftay in goobta ay weerareen ay ku sugnaayeen arday, isagoo sheegay in goobtaas ay muddo dheer ilaalo ka hayeen oo ay la socdeen dhaqdhaqaaqeeda, ayna joogeen dhalinyaro la doonayay in dalalka Afrika midkood lagu soo baro habka sirdoonka, wasiiro iyo shaqaalaha dowladda qaarkood.
"Weerarkan wuxuu digniin u yahay gaalada magacyada kala duwan sheegata ee dalka kusoo qulqulaya oo raba inay kala boobaan ummaddan khayraadkeeda, dhulkeedana ay goos-goostaan. Runtii inta ay mujaahidiintu nool yihiin ciddii dalkan qabsata ku ladi mayso, hurdo fiicanna ma seexanayso. Waxaana halkan laga qaadayaa iyagoo dhintay ama dhaawac ah," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenku wuxuu sheegay Xarakada Al-shabaab ay muddo dheer baaris ku haysay goobta, maantana lasoo gabagabeeyay iyadoo lala beegsaday gaari xamuul oo ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, wuxuuna xusay in weerarka uu ahaa mid hafadkii la lahaa laga gaaray.
"Meesha aan qaraxa la beegsannayno ma ahan mid si kaddis ah loo weerarro, balse muddo dheer ayaa laga shaqeeyaa, meesha iyo saacadda uu galayo qofka fulinaya weerarka waxaa u dhexeeya sirdoon sheega sida ay wax yihiin iyo cidda ku sugan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in goobta la weeraray aysan ku sugnayn arday, balse ay ahayd goob ay dagganaayeen sirdoonkooda dowladda KMG ah iyo kooxo ku xiran hay'adaha dalka yimid, muddo dheerna ay ilaalo ka hayeen.
"Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa wasiirro, shaqaalaha dowladda iyo dhallinyaro loo waday in dalalka afrika qaarkood lagu soo baro sirdoonka," ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in weerarka uu ahaa mid dhabarka looga jabiyay cadow.
"Mar dambe la isma weydiin doono Xarakada Al-shabaab ma baxday mise way joogtaa, waxaana cad inay joogto KM4 iyo goob kasta oo kale. Waxaana rabaa inaan halkan ka beeniyo in qofka fuliyay weerarka uu ahaa Kenyan," ayuu si cad u yiri afhayeenka Al-shabaab.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in weerarrada noocan oo kale ay joogto noqon doonaan maalmaha soo socdana la arki doono weerarro midkan la mid ah, isagoo sheegay inay beegsan doonaan goob walba oo ay ku sugan yihiin dowladda KMG iyo AMISOM, wuxuuna shacabkna ugu baaqay inay ka fogaadana goobaha ay daggan yihiin cadowga oo uu ula jeeday DKMG ah iyo AMISOM.
""Weerarada noocan oo kale ah way sii socon doonaan, maalmaha soo socda ayaa la arki doonaan kuwo la mid ah, shacabkuna waa inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin cadowga si aysan dhibaato uga soo gaarin weerarrada lala beegsanayo," ayuu yiri Sheekh Cali Dheer.


No comments:

Post a Comment