Sunday, September 25, 2011

Maxaa Kala Haysta Gaadiidka Burco Iyo Geela Suuqyada Dhexdooda Loo Soo Daaq Geeyo





 Waxa dhawanahanba lagu arkaayay jidadka waaweyn ee magaalada Burco xoolaha la dhaqdo gaar ahaan geela oo magaalada dhexdeeda loo soo daaq geeyo kuwaasi oo daaqa geedka tiinka iyo dhamaanba dhirta cagaaran ee dadku ay u beertaan quruxda iyo inay hadhsadaan.

Hadaba meelaha ay inta badan sameysay dhibaatada geelu ku hayo gudaha magaalada ayaa waxaa ka mid ah jidadka waaweyn ee magaalada dhexmara kuwaasi mararka ay geelu daaqayaaj dhirta ku agtaalada wadada ay xanibaanba isusocodka gaadiidka gaar ahaan xiliha geelu ka talaabayo wadada.
Arintan ayaa ah mid had iyo gaar cabsho ka muujiyaan gaadiidleyda magaalada Burco gaar ahaan,gawaadhida qaadka oo iyagu ku mara wadooyininka magaalada xiliga ay sidaan caleenta cagaran axawaare aad u sareeya taasina ay keeni karto shil la soo gudboonada gaadiidkaasi.
Axmed Wacays Cabdi oo ka mid ah Xoola dhaqatada Gobolka Togdheer, gaar ahaan Geela loo soo daaq geeyo gudaha magaalada Burco ayaa sheegay shabakada in marka uu waagu baryo uu magaalada soo geliyo geeliisa gaar haan meelaha uu ku badan yahay geedka Tiinka iyo waliba dhirta ay reer magaalku beertaan ee ay ka midka yihiin Mirimirida sidaas dareedna uu maalintii oo dhan geelu daaqo tiinka iyo dhirtaas kale oo isaga oo ka waramayay hawlaha uu isugu qabto inta uu geelu daaqayo dhirta ayaa waxa uu sheegay inuu marba maqaaxi u qayilaato tago isaga oo ku sifeeyay in mar hadii uu magaalada soo galay uu la jaanqaadayo reer magaalka habeenkiina reer miyiga waa sida uu hadalkiisa u dhigay.
Axmed Wacays Cabdi oo la weydiiyay bal nolosha magaalada sida uu ula qabsaday markiiba waxaanu sheegay isaga oo su’aashaa ka jawaabay in habeenkii marka uu geela ku caraabiyo meel aan sidaasi magaalada uga fogayn uu halkaasi ku maamulo subaxiina uu caanaha magaalada soo geliyo lacag badana laga siisto sidaas daraadeedna uu ula jaan qaaday nolosha magaalada isaga oo kaftaamayayna waxa uu sheegay inuu kkaatiyaan ka taaganyahay shaxaadka reer magaalka.
Ugu Danbayntii Nolosha Reer miyiga iyo ta reer magaalka ayaa u muuqatay waqtiyadii u danbeeyay mid isku dhex qasmaysay taas oo inta badana ay eeda iska leeyihiin Dadka Reeer miyiga oo iyagu intoodii badnayd u soo hiyi kaceen nolosha magaalooyinka.

hadaba akhriste qaabke aya ugu haboon in xal loogu heli karo sidii ay nolosha miyugu u noqon lahay tii anu awawyashen ka dhaxalay ee anay noqon mid ku milanta magaalooyinka?

Fadlan ku darso fikirkaga sidii xal waara loo heli laha 

No comments:

Post a Comment