Sunday, September 25, 2011

Tiisaba Daryeela Tu kale ku Dara!!!




Waxaan aaminsanay in aad caawin karto walaalka muslimka ha wax kasta oo aad ku dhanto diiniyan iyo dadnimo, laakin waxa aad iga yaabiyay xadiga lacagta leh ee wadankeena iyo shicibka reer somaliland haysteen ee ay ka jirtay magaaloyinka waawayn sida magaalada hargiesa in ay dad gaajo u dhinta qaarkalena ay xanuun ugu ildaran yahiin baahi, darxumo iyo diif dhaqaale xumo.

kama xumi in walaalaheena somaliyeed ay qadarku cuskaday la caawiyo laakin waxaan aad uga xumahay inta aanay somaliya anay ka bilaabin mashqadan iyo abaaraha hada taagan, waxa jiray dad biyo la'an baad la'an u caydhoobay.

 Miyaanay muddanayn in dadkas hore loogu kaco oo xaqooda la mariyo?
saxibaayal aniga caqligaygu ima siinayo iyada oo hargiesa biyo la'an beerka dhulka ku hayso oo maatidu saqda dhexe soomal haad iyo biyo raadis ku jiran in aan iska indho tiro.

fadalan fikirkaga ka dhiibo

No comments:

Post a Comment